Find Posts By Topic

Fursad Maaliyadeed oo Cusub oo Lagu Taageero Bulshooyinka Amni ee Seattle

Photo by Serge van Neck on Unsplash

Mudaharaadka lagaga soo horjeedo waxyeelada bilayska, gaar ahaan bulshooyinka Madaw, ayaa Maraykanka oo dhan iyo caalamka ku faafay kadib markii la dilay George Floyd. Sida magaalooyin badan oo kale, baaqa cadaalada iyo xalka ay bulshadu hogaaminayso ee soo afmeerka cadaalada, oo ay wadaan qaban qaabiyayaasha Madaw iyada oo iska kaashanayaan qoomiyado badan iyo dhaqano badan oo ay gacan saar la leeyihiin, waxa ay muujinayaan oo ay wadaan dadaalka ka socda Seattle. Soo qaban qaabintan, sharciya lagu kordhinayo maalgelinta dib u qaabaynta amaanka bulshada ayaa la ansixiyay Seattle.

Waaxda Adeegyada Bilaa Aadanka Seattle (The Seattle Human Services Department, HSD) waxay doonaysaa arjiyada 2021 ee Dalabka Dhisaha Awooda Amaanka Bulshada Qorshaha ah (Community Safety Capacity Building Request for Proposals, RFP) oo ay ka yimaada kooxdaha bulshadu hogaaminayso ee ka shaqaynayaya soo afjarida iyo dib u qaabaynta amaanka Madawga, Dadka Dhaladka iyo Dadka Midabka ah (Black, Indigenous, and People of Color, BIPOC) ee ay bulshadu wado, kuwaas oo diirada si gaar ah u saaraya Dadka Madaw Dhaladka ah, Laatiinooska, Jasiiradaha Baasifiga, iyo Soo Galaytida iyo Bulshooyinka Qaxootiga ah. Ujeedada deeqdan waxaa weeye in la dhiso awooda kooxda ka shaqaynaysa xalka ay bulshadu wado si loosoo afmeero tacadiga oo loo kordhiyo amaanka.

Dalabka Qorshaha (Request For Proposal, RFP) ee Dhismaha Awooda Amaanka Bulshada waxay tahay maalgelintiisu celcelis ahaan $10,400,000 oo maalgelin hal mar ah mudada qandaraaska Julaay 1, 2021 ilaa Diseember 31, 2022. Mudada ay ku eeg tahay ee la keenayo arjiga oo buuxaa waa 12:00 duhurnimo Jimcaha, Abriil 9, 2021. RFP-gan waxa uu u furan yahay hay’adaha buuxiya heerka Shuruudaha Ugu Yar ee U Qalanka Hay’ada Waaxda Adeegyada Bilaa Aadanka (Human Services Department, HSD) iyo wixii shuruuda ah ee dheeraad ah ee lagu sheegey Qaybta IV ee tilmaamahan. Hadii hay’adaada ayna buuxinin shuruudaha ugu yar ee u qalanka, helitaanka kafaale qaade miisaaniyada oo buuxiya shuruudaha ayaa la ogol yahay. Shuruudaha kafaale qaadaha miisaaniyada waxaa laga heli karaa boga deeqda ee Khayraadka Nidaamka Deeqda. Shirkado Khasaare Xadidan (Limited Liability Companies, LLCs) ayaa la ogol yahay in lagu dalbado RFP-gan. Ilaa 40 qorshayaal ayaa la maalgelin karaa.

Dhamaan qaban qaabiyayaasha ka shaqaynaya sidii loo abuuri lahaa xaalada amaanka ah, oo ay ku jiraan soo afjarka tacadiga iyo yaraynta danbiga, ayaa lagu dhiiri gelinayaa inay dalbadaan, oo mudnaanta waxaa la siinayaa kooxdaha bulshada ee ay hogaaminayaan Madaw, Dadka Dhaladka ah, Laatiin, Jasiirada Baasifiga, iyo Soo Galaytiga iyo Qaxootiga, maadaama oo ay yihiin cida ay saamaynta ugu badan ku leedahay hayb soocu, nidaamyada cadaadisku, iyo waxyeelo kaga yimaada tacadi iyo nidaamka sharciga danbiga. Adeegyadu waa inay ka dhacayaan Seattle.

Dhamaan qaban qaabiyayaasha buuxiya shuruudaha ugu yar ee u qalanka waa la waraysan doonaa. Su’aalaha waraysiga iyo shuruudaha waxaa la bixin doonaa ugu yaraan hal todobaad kahor waraysiga la qorsheeyay.

Dhamaan macluumaadka iyo wixii loo baahan yahay ee ku saabsan RFP waxaa laga heli karaa websaytka Fursadaha Maalgelinta HSD. HSD ma bixiso wargelin shakhsi ahaaneed oo isbadalada ah, oo hay’adaha ayaa ka masuul ah inay si joogtada ah ugala socdaan websaytka wixii isbadal ah. HSD ma bixin doontaa wixii kharash ah ee hay’aduhu ay ku geli doonaan inta ay diyaarinayaan arjigooda, bixinta macluumaadka ay dalbatay HSD, ama ka qayb galka nidaamka doorashada.

Turjubaad qaar macluumaadka ayaa la heli karaa.

Hadii aad qabto su’aalo, fadlan kala xidhiidh: Natalie Thomson, Isku Duwaha Nidaamka Deeqda, Natalie.Thomson@seattle.gov.